Puntland oo Farmaajo ku eedeysay Abaabulka Bannaan-bax rabshado wata

Dowladda Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, inuu Bannaan-bax ka abaabulay Degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Haylaan.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Depraani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in Farmaajo uu abaabulay bannaan-bax rabshado wata oo laga dhigay Dhahar, kaas oo ay fashiliyeen Ciidanka Amniga Puntland.

Hoos ka Akhriso qoraalka Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland.

Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Gamal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen.

Abaabulada lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada waa qeyb ka mid ah rafashada Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday!