Shirkii Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Beesha Caalamka oo baaqday

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii loo balansanaa ee dhex mari lahaa Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo- xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cadaadis ku saaray Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed oo uu saaka kula shiray Afisyooni in aysan ka qeyb gelin shirkaas, balse uu taa bedelkeed u soo jeediyay inay is arkaan shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed oo qudha.