Eritrea oo ogalaatay inay Ciidankeeda kala baxdo Gobalka Tigray

This image made from undated video released by the state-owned Ethiopian News Agency on Monday, Nov. 16, 2020 shows Ethiopian military in an armored personnel carrier, on a road in an area near the border of the Tigray and Amhara regions of Ethiopia. Ethiopia's prime minister Abiy Ahmed said in a social media post on Tuesday, Nov. 17, 2020 that "the final and crucial" military operation will launch in the coming days against the government of the country's rebellious northern Tigray region. (Ethiopian News Agency via AP)

Dowladda Eritrea ayaa ogalaatay inay Ciidamadeeda kala baxdo Gobalka Tigray, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Go’aanka ayaa yimid kaddib markii uu khamiistii Asmara gaaray Ra’iisul Wasaare Abiy, oo kulan la yeeshay Hogaamiyaha Eritrea Asias Afwerki.

Ciidammada Eritrea ayaa xasuuq ba’an ka geystay Gobalka Tigray ee Dalka Itoobiya, intii uu socda dagaalkii bilowday November-2020, kaas oo uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed.

Dowladaha Reer Yurub iyo Mareykanka ayaa ku eedeeyay Hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea xasuuq iyo gabood falo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha, waxaana ay ku hanjabeen inay ka qaadi doonaan tallaabooyin aysan mahdin doonin.

Idilnews