Wasiir Xaamud “Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed waa dowlado daciif ah” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa ka hadlay marxalada Dalka, isagoona sheegay in Puntland aysan noqoneyn sida Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ah kuwo uu iska hoggaansado Farmaajo.

“Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfurgalbeed waa dowlado daciifa oo meel ay maamulaan aysan jirin, kana amar qaata Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Muxuu ka dhigan yahay Hadalka Wasiir Xaamud ?

Wasiirku waxa uu ka hadlayo waa Madaxda Maamuladaas curdinka ah ee la kufsaday ee mahan Shacabka Goboladaas.

Hadalka Wasiirka waxaa xoojin tusaale noqon kara ugu filan dhacdadii shalay,iyagoo fadhiya Shirkii Beesha caalamka 3-maamul loogu yeeray loona qabtay 30-daqiiqo in ay ku yimaadaan Afisyoone.

Diblomaasi ahaan way ku qurux badnayd in uusan isticmaalin erayadaas oo uu kuwa ka haboon adeegsado.

Balse ujeedadiisu waa iftiiminta hab dhaqanka hogaamiye kooxeedka soo daahay.

Jibril Qoobey.