Midowga Musharixiinta oo ku biiray Shirka Madaxda D/Gobaleedyada

Midowga Musharixiinta ayaa goor-dhaweyd ku biiray Shirka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee ka socda Hotelka Airport oo ku yaalla xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaas oo looga hadlayo marxalada Dalka.

Kulanka oo ay soo agaasimtay Beesha Caalamka ayaa si gaar ah loogu gorfeynayaa hirgalinta Doorashooyinka dalka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomida Shir loo dhan yahay oo ay yeeshaan hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Idilnews