VIDEO: Kulankii Golaha Shacabka oo u baaqday Buuq iyo fowdo

Kulan ay maanta yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa baaqday, kaddib markii ay Buuq iyo fowdo hareeyeen furitaankii kulanka.

Kulanka oo Ajandihiisa lagu sheegay ‘Xaalada cudurka COVID-19’, ayaa Xildhibaanada mucaaradka ahi sheegeen inuu ku duuganaa Ajande qarsoon oo ah in muddo-kordhin uu kaga dhawaaqo Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal.

Idilnews