Beesha Caalamka oo digniin adag siisay Guddoomiye Mursal

Ilo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaa ii xaqiijiyay in Safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, UK iyo Wakiilka Qaramada Midoobey xiriir taleefan oo kala gaar gaar ah la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, iyagoo kala hadlay arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo haddii go’aankaas uu qaato Golaha ay noqon doonto mid wiiqeysa xasilloonida dalka iyo dadaaladii socday, waxaana ay u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin, ayna heli doonin taageerada Beesha Caalamka, taas bedelkeed ah lagula xisaabtami doono Guddoonka.

Waxaa la filayaa in Beesha Caalamka ay soo saaraan war murtiyeed ku saabsan shirka berri ee Baarlamaanka iyo in aan la ogolaan doonin muddo kordhin muddo xileedkii hore ee ka dhamaaday Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.