C/rixmaan Faroole oo qaatay tallaalka cudurka COVID-19 (Sawirro)

Hoyga uu ka dagan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe talaalka laga hortagyo xanuunka COVID-19 ku qaatey Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan aqalka sare Dowlada Federalka Somalia Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole.

Degaanada Puntland ayaa waxaa si habsami leh uga socda talaalka COVID-19 iyadoo la siinayo shaqaalaha dowlada, macalimiinta, bahda caafimaadka, askarta Booliiska, ciidamada asluubta, suxifiyiinta iyo dadka waaweyn oo qabi kara xanuunada sonkorta iyo dhiigkarka.