Ciidammo gadoodsan oo saldhigyo ka sameystay Gobalka Mudug

Ciidamo gadoodsan ayaa baro kontorool ka samaystay qaybo ka mid ah gobolka Mudug, ciidamada oo ka cabanaya mushaar la`aan ayaa la sheegay iney masuuliyiinta dowladda ka joojiyeen isu socodka gobollada Mudug iyo Nugaal.

Wafdi heer wasiir ah oo la filayay inay soo gaaraan degmada Xarfo, si ay ciidamo tababar ugu soo xiraan ayaa baaqday, waxaana haatan socda kulamo looga tashanayo xaaladan.

Ciidammada mushaar la,aanta ka cabanaya ayaa ah kuwo aan marin hanaanka tirakoobka iyo tayeynta Ciidammada, waxaa cabashadoodu imaanaysa xilli Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa horey ugu dhawaaqday in aysan mushaar siin doonin Askari aan marin hanaanka diiwaan-galinta Ciidanka.