Kulankii Golaha Shacabka ee berri oo baaqday

Kulankii berri ay u balansanaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ee waqtigiisu dhamaaday ayaa baaqday, sida lagu sheegay fariimo loo diray Xildhibaanada.

“M.ne Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March.” Ayaa lagu yiri fariin-qoraaleed loo diray Xildhibaanada.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo qorshihiisa hoose uu ahaa muddo kordhin loo sameeyo Farmaajo, ay soo fara-galiyeen Wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo digniin adag dul-dhigay Guddoomiye Maxamed Mursal.