Mahad Salaad “Ciidankii shalay Baarlamaanka la keenay Nin kamid ahaa Al-Shabaab baa..” (VIDEO)

Xildhibaan Mahad Salaad “Ciidammada dharcadka ah ee shalay lagu soo daadiyay xarunta Golaha Shacabka waxaa watay Nin la yiraahdo ‘Shakiib’ oo Shabaab horey u ahaan jiray, isagoo dhaawac ah oo dagaalamaya ayaa laga soo qabtay suuqa bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhexe kaddibna waxaa loo sii gudbiyay Sarandi oo lagu xiro dadka dambiilayaasha ah ee iska soo dhiiba Shabaab ama ayaga oo dagaalamaya la qabto, halkaas ayaa laga soo saaray waxaana loo qaatay inuu kamid noqdo Ciidanka Nabad-sugida, wuxuu Shabaab u qaabilsanaan jiray dilalka qorsheysan ee dadka masuuliyiinta ah lagu laayo, wuxuu si toos ah ugu xiran yahay Taliyaha Nabad-sugida Fahad Yaasiin, wuxuuna u qaabilsan yahay howlgalada khaaska ah”.

Mahad Salaad ayaa intaas ku daray “Sidoo kale Ninkan Ciidammada uu watay waxaa kamid ahaa kuwo Shabaab ka yimid oo Sarandi ku xareysnaa, oo dhamaadkii bishii Febaraayo laga soo saaray, loona qeybiyay bistoolado, ujeedadooduna aheyn inay howlgalaan bannaan-bixii midowga musharixiinta”.

Idilnews