Maxaa kasoo baxay kulankii Musharixiinta iyo AMISOM ?

Qaar ka mid ah xubnaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay saxaafadda dibad joog ka tahay la qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Madera, taliyaha ciisanka AMISOM iyo taliyaha Ciidanka sector 1.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaashii hore ee Sheikh Sharif iyo Xasan Sheekh, Xasan Kheyre iyo Craxmaan C/shakuur ayaa AMISOM looga digay in muddo kororsiga uu Farmaajo samaysto ay horseedayso colaad sokeeye iyo cawaaqab xumi saamaysa hawlaha nabad ilaalinta AMISOM.

Labada dhinac ayaa isla gartay sida ugu habboon ee arrinkaas looga hortegi karo, laguna xakamayn karo qar iska tuurnimada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Farmaajo.