Akhriso: XOG cusub oo laga helayo Shirkii D/Gobaleedyada iyo Beesha Caalamka

B.Caalamka iyo D.Goboleedyada oo wadajir uga hor yimid mudo kororsiga ??

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Beesha caalamka iyo 5ta Madaxweyne Dowlad Goboleedyad ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah:

Beesha Caalamka:

  1. Waxay soo dhoweeyeen wadashaqeynta DG dhexdooda ah.
  2. Waxay ugu baaqeen heshiiska 17 September ee Doorashooyinka in la dhaqan geliyo
  3. Waxay uga Mahad celiyeen dhabar adaygga ay sameeyeen Madaxda DG gaar ahaan Ahmed Madobe iyo Deni oo muddo dheer Xamar u joogay in heshiis laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran
  4. Waxaa la isla qaatay in muddo kordhin ay tahay sharci darro horseedi karta khilaaf xoogan ee siyaasadeed

Dowlad Goboleedyada:

  1. In Beesha Caalamku xoojiso fariimaha ku aadan hirgelinta Doorashada
  2. In Arrimaha Amniga ee Jubbaland beesha caalamku ku hayso fiiro gaar ah
  3. In heshiiska Doorashooyinka lagu taageero dhaqaale iyo farsamaba
  4. In ciddii la timaadda hor istaagga doorashada sida muddo kordhin loo aqoonsado qaswadayaal

Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la dar dar geliyo dadaalada shir loo dhan yahay inuu qabsoomo.

Jibril Qoobey.