Farmaajo, Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo kulan yeeshay

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha Maamul Gob oleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, khilafka weli ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sida ugu macquulsan oo xal looga gaari karo.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la wadaagay wixii ay isla soo gaareen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbalan d & Puntland oo labadii maalmood ah shir gaar ah u socday.