Safaaradda Soomaaliya ee Zambia oo dayactir lagu sameeyay (Sawirro)

Waxaa maanta xariga laga jarey xafiisyada Safaarada Soomaalidda ee Zambia oo in muddo ahba dib u habeyn ku socotey.

Mashruucan oo ahaa mid is ku tashiya oo ey isku xilqaameen Jaaliyadda Somaliyed ee degan dalka Zambia oo uu hormoodka u yahey Gudoonka Jaaliyadda Mudane MOHAMUD MOHAMED (Hiiraan).ayaa dhamaystiray qaybtii 1aad, ee dhismaha.

Waxaa kaloo suurta galiyay mashruucan Ganacsata Soomaaliyeed oo bixiyay dhaqaalaha ku baxay Mashruucaan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda ayaa ku wareejiyay Furaha Xafisyadda la dhamaystiray Danjire Xaawo Maxamed.

Safirad Xaawo iyo Gudoomiye ha Jaaliyadda ayaa u mahadceliyay Shirkadihii iyo Shaqsiyaadkii ka qayb qaatay dhismaha Safaaradda.

Waxaa si Gaar ah loogu Mahad ceshay Shirgaddii dhistay dhismaha oo shirgad Soomaaliyeed, gaar ahaan mulkiilaha shirkadda Sh. Xasan Cali Mursal.

Jibril Qoobey.