Wasiir Gallan “DFS cambaarey way u quuri weyday weerarkii xabsiga Boosaaso” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in Dowladda Federalka Somaaliya aysan wax dareen ah ka muujin weerarkii dhawaan kooxda Alshabaab ku qaaday xabsiga magaalada Boosaaso.

Wasiir Cabdisamad Gallan wuxuu sheegay taas bedelkeed in ay dowladda federalka isku dayday in ay amni xumo ka sameyso magaalooyin nabad ah oo Puntland ku yaalla si ay colaad uga kiciso.