Xasan D. Aweys “Rooblow waxaad u dhaqmaysa sidii Farmaajo ku lee yahay” (VIDEO)

Xasan Daahir Aweys, oo xabsi guri ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS inuu u dhaqmayo qof uu lee yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Daahir ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku guuldareystay doorkiisa hoggaamineed ee dalka, iyo inuu dadka uu matalo difaaco, ama iyaga uu ka difaaco khaladoodkooda.

“Rooblow waxaa u shaqeynaysaa inuu Farmaajo ku lee yahay, meeshana waxaad ku joogtaa kuraas la qeybsaday midkood, mana taqaanid inaad dad ka wakiil tahay oo kursigoodii ku fadhid ma taqaanid” ayuu yir Xasan Daahir Aweys.