Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan iyo cabsi laga qabo

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa maanta yeelanaya kulan, kaddib markii labadii kulan ee lasoo dhaafay ay u baaqdeen muran iyo isqab-qabsi.

Ajandaha kulanka ayaa lagu sheegay cudurka COVID-19, Ansixinta 2 xubnood oo kamid ah Guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo u codeynta sharciga qaxootiga Qaranka.

Sidoo kale, kulanka maanta ayaa laga cabsi qabaa inay hareeyaan buuq iyo fowdo, kaddib markii 15 Xildhibaan oo uu dhowaan sheegay Guddoomiye Mursal in laga joojiyay kulamada Baarlamaanka ay sheegeen inay kulanka tagayaan.

Kulamada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday oo muddo hakad ku jiray ayaa la sheegay in dib loogu furay in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, taas oo haday dhacdo soo dadajin doonto fashilka Villa Soomaaliya, sida ay qabaan Dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda.

Idilnews