Madaxweyne Al-SISI “Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar” (VIDEO)

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-SISI ayaa Talaadadii sheegay in saamiga dalkiisa uu ku leeyahay biyaha Webiga Nile uu yahay lama taabtaan isaga oo diraya diginin cad oo muuqata inay ku socoto Ethiopia oo biyo-xireen ka sameyneysa webiga Nile.

Shir jaraa’id oo uu qabtay, ayuu el-Sissi kaga digay xasillooni darro aysan cidna qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka haddii biyo-xireenka Nile la buuxiyo, lana howlgeliyo heshiis la’aan.

“Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yiri. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena.”
El-Sissi kuma magacaabin Ethiopia hadalladiisa, oo ahaa kuwii ugu xoogganaa ee mas’uul Masar ah uu ka jeediyo muranka biyo-xireenka, muddo sanado ah.

Hadalka madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi ayaa imanaya ayada oo weli la isku mari la’yahay wada-hadallada sanadaha socda ee ku aadan biyo-xireenka Nile, kuwaasi oo sidoo kale ay ku lug leedahay Sudan.