Rooble, Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta kulan yeelanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan ku yeelanaya maanta Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Wakiillada Beesha Caalamka ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka, qabsoomida Shirka dhameystirka heshiiskii 17-kii September iyo sidii Ra’iisul Wasaare Rooble uu u qaadan lahaa doorkiisa ku aadan marxalada kala-guurka ah.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka wada-tashiga Doorashada iyo hirgalinta arrimaha doorashooyinka Dalka, waxaana shalay ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ay ku cadaadiyeen inay kulmaan.

Idilnews