Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ansixisay Manhajka dugsiyada Hoose (Sawirro)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta ansixisay Manhajka Waxbarasho ee dugsiyada Hoose ee Puntland (1aad – 4aad), kaas oo Wasaaraddu ay soo bilowday diyaarintiisa sanadkii 2013-kii.

Wasaaradda Waxbarshada Puntland ayaa sheegtay in manhajka oo ah mid ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalka, la daabici doonaa, loona qaybin doonaa iskuullada hoose ee Puntland, si sannad-dugsiyeedka inagusoo fool leh ay macallimiintu iyo ardayduba u adeegsadaan buugaagtaas.

Idilnews