Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo lagu wareejiyay Gaadiid (Sawirro)

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa saaka ku wareejisay Wasaaradda Xanaanda Xoolaha labo Ambalaas Xooleed.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Cabdiqafaara Cilmi Xaange ayaa ku wareejiyay furaha labo Ambalaas xooleed Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cisman.

Labadaan Ambalaas Xooleed ayaa waxaa Ka caawinaya Dowaladda Puntland Mashruuca Biyoole.

Ambalaas Xooleed ayaa loo isticmaali doono sidii loogu booqan lahaa meelaha looga baahan yahay oo ka jiraan cudurada xoolaha ku dhaca ama marka uu jiro talaal guud.