Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay koox dil ka geysatay Gaalkacyo (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo Shir jaraa’id goor-dhaweyd ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay in Laamaha ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen kooxdii ka dambeysay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay, AUN Cumar Maxamed Samatar oo ahaa sarkaal katirsan laanta dambi baarista Puntland ee C.I.D.

“Argagixisada Al-Shabaab waxaan lee nahay Gaalkacyo iyo Mudug waa idinkaga dhamaatay, ma aha waagii intaad qof dishaan, la oran jiray wax dilay lama yaqaan, dad aad ka dhuuman kartaan ma nihin hadda, wayna idinkaga dhamaatay magaaladan wixii aad ku heyn jirteen 10 sanno ee lasoo dhaafay, albaabkoodiina waan soo xirnay, inaad ka samirtaan baa la rabaa”ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.