Gaalkacyo: Sarkaal kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland oo la dilay

Koox hubaysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku dilay sarkaal ka tirsanaa Laanta Danbi baarista Puntland ee C.I.D, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed Samatar.

Kooxda oo ku hubaysneyd bastoolado, ayaa sarkaalkan toogtay xilli uu fiidnimadii xalay ku sii jeeday gurigiisa, sida ay sheegeen laamaha Amniga Gobalka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Puntland ay gacanta ku dhigeen mid kamid kooxdii dilka fulisay oo aheyd Saddex dhalinyaro ah, iyadoo lagu daba-joogo 2 kale iyo dad kale oo lala xariirinayo Kiiska dilka ah.