Maxaa ay Puntland ku heysataa Shirkadda Golis ?

Golis maxaa laga rabaa ?? Rabitaanka 1-aad ??Waxaa laga rabaa in ay umuujiso wada shaqayn buuxda laamaha amaanka.

1.In ay diiwaan geliso Qof walba oo Card ka qaadanaya.

2.In ay macluumaadka Qofkaas ugudbiso Dowlada markii loo baahdo.

3.In ay la shaqayso sirdoonka marka ay uga soo baahdaan xogo dheeriya.

4.In lacagaha laysku diro macluumaadkooda iyo amaankooda ay sugto.

Tusaale”Hadda ka hor Nin ka tirsan Maamulka Maaliyadda Shirkaddaas,ayaa loo xiray kiis la xiriira Alshabaabnimo kadib markii Gaalkacyo lagu dilay Madaxii Amniyaadka, Ayaamo yar kadib markii uu dhacay qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug, kaasoo ay ku cadaatay in uu wada shaqayn buuxda la lahaa Alshabaab.

Rabitaanka 2-aad ??

Burburka soo gaaray Laamiga dheer ee Bosaso iyo Gaalkacyo u dhaxeeya ayay qayb ka tahay.

Gariirka ay ku dulooliyaan Dhulka ay galiyaan Caple-ka oo aan sidaa uga fogayn Laamiga, ayaa Laamiga furfura.

Golis ma buuxiso burburka yar-yar ee ku yimaada Laamiga.

Rabitaanka 3-aad ?

Waxay Jaraan dhirta ku taala Wadada geesaheeda.

Ilaa 300,oo Geed ayey ka jareen Gaalkacyo iyo Bayra inta u dhaxeyso.

Wasaarada Deegaanka,ayaa Gudi soo qiimeya hada u dirtay Gaalkacyo.

Ugu danbayn Golis waxaa laga rabaa in ay la timaado Wadaniyad,lexjeclo Dadeed,daacadnimo iyo wada shaqayn Dowladeed.

Argagixisadu Taleefoon Golis ayay kuwada hadashaa waxna ku Xawilataa !!!Jibril Qoobey.