UK “Ma aqbalayno muddo kordhin loo sameeyo DFS” (VIDEO)

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Golaha Ammaanka Ambassador Barbara Woodward, ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso dadaalada socda ee uu hormaadka ka yahay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, kuwaas oo go’aan looga gaarayo Arrimaha cakiran ee Doorashooyinka Soomaaliya.

Barbara Woodward, ayaa xustay in aan la aqbali doonin doorasho hal dhican ah, kuwo is-barbar socda iyo mudo korarsi loo sameeyo Madaxweynaha iyo Hay’adaha xil heyntoodu dhamaatay ee DFS.

“Waxaan soo dhaweyneynaa dadaalada uu wado Ambassador James Aswan, mana soo dhaweyneyo doorasho hal dhican ah, kuwo is-barbar socda iyo mudo korarsi Dowladda xil heyn dhamaatay. laakiin way ogol yihiin ku darsasho mid shaqda lagu dhamees tirayo.si doorasho u dhacdo” ayuu tiri Danjire Barbara Woodward.