Wararkii ugu dambeeyay ee kulamada Muqdisho iyo Wakiillada Caalamka oo wada dadaalo

Waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyay ee Wakiillada Beesha Caalamka ugu jiraan isku keenista Hoggaamiyayaasha Soomaalida, si heshiis looga gaaro Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Kulamo kala duwan ayay Wakiilada Beesha Caalamka la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland, si la isugu keeno Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland ayaa soo bandhigay shuruudo uu ku qabsoomi karo shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka, hayeeshee qaarkood ay ku adkaatay fulinteeda Villa Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland si ay uga wada hadlaan qabsoomida shirka Madaxda dowladda Federaalka ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Goboleedyada.