XOG: Beesha Caalamka oo go’aan culus dul-dhigtay Madaxda Soomaalida

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ay isugu keeneyso hoggaamiyeyaasha Soomaalida, kaddib markii ay fashilmeen dadaaladii socday ee Madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda wadeen ee ahaa in si wadajir ah shirka looga qeybgalo.

Shirka Sabtida oo ah mid aan rasmi aheyn ayay xubnaha Beesha Caalamka wadaan inay markaan iyaga qaataan doorka isu keenida labada dhinac.Tan iyo xalay waxaa socday cadaadis xooggan oo labada dhinac la saarayay, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, isla markaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda.

Ilo ku dhow dhow Xalane ayaa sheegaya in haddii todobaadkan xal uu iman waayo uu socdo waxa loogu yeeray qorshe Plan B ah oo toos Beesha Caalamka is mari waaga taagan u soo faragelin doonto.