Puntland oo beenisay in Farmaajo uu Iclaamiyay Shirka berri

Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa beenisay qoraal uu baahiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, kaas oo ku aadan in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday uu Shir isugu yeeray sabtida Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.

Akhriso qoraalka Madaxtooyada Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.

Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.