Waa kuma qofk hor istaagey diyaaradii qaadi laheyd maal-gashatada dekedda Garacad ?

Ninkan waa Lataliyaha Amniga ee horjoogaha soo daahay,waxaana lagu magacaabaa Cabdi Siciid Dhalasho ahaan waxuu kasoo jeedaa Puntland.

Diyaaradii Garacad aadi lahayd Ninka baajiyay ee la hadlay Mulkiilihii Diyaarada waa isaga oo bixiyay amarka loogu goodiyay in ruqsada lagala laababayo haday Garacad ka degto.

Diyaarada oo la hadashay Tower-ka Xamar loona xaqiijiyay Hawadu in ay nadiif tahay oo ay duuli karto,ayaa markay biliwday in ay dhabaha ku orodo waxaa si toos ah ula soo hadlay Mulkiilaha,kaasoo ku amrayvPilot-ka in uu istaago dibna u laabto.

Ogow Cabdi Siciid waa Musharax Xildhibaan oo Puntland raba in uu ku matalo Baarlamaanka Fadaraalka.

Dowlada Puntland talaabo ayay ka qaaday Diyaaradii.

Heshiiskii Hawada lagu wareejiyay waxaa saldhig u ahaa in aan Siyaasad looga faaidaysan Maamulka Hawada Dalka.

Jibril Qoobey.