Al-Shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhigyo Ciidan

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku bilowday qaraxyo saaka aroortii ku qaaday saldhigyo ciidan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lee yihiin deegaanada Awdheegle iyo Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kowaad ayaa maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidanka xoogga dalka ku leeyihii  deegaanka Bariire, weerarkan ayaana ku bilowday 2 gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale weerar kale ayay ku qaadeen deegaanka Awdheegle oo isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah.

Dagaal saacado badan qaatay ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanadaas oo sanad ka hor ciidanka dowladda ay la wareegeen, mana jirto illaa hada cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in askar fara badan ku dishay dagaalka, isla markaana gudaha u galeen xeryaha ciidan.