Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Rag dhac ka geystay Boosaaso (VIDEO)

Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Rag dhaawac iyo dhac ugu geystay qof shacab ah magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, kuwaas oo u baxsaday duleedka Magaalada.

Ragan oo ahaa Labo ayaa dhaawacay Wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay gaari (Probox), iyagoona intaas kaddib ka dhacay gaariga. Ciidammada ayaana howlgallo saacado qaatay kaddib gacanta kusoo dhigay Ragan oo ka baxsaday Magaalada falka kaddib.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in qof shacab ah lagu xadgudbo isaga iyo hantidiisa, isagoona intaas ku daray inay Cadaaladda horkeeni doonan kooxdan dhaawaca iyo dhaca geystay.

Idilnews