Ciidanka PSF-ta Puntland iyo Daacish oo dagaalamaya

Dagaal u dhexeeya Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Kooxda Daacish ayaa ka dhacay saaka ka bilowday dhulka buuraleyda ah ee Degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan yimid kaddib markii Ciidanka PSF-ta Puntland ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen kooxda Daacish, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sarkaal kamid ah Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa iyo hub.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Idilnews