Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo tababar loo soo xiray (VIDEO)

Cutubyo cusub oo kamid noqonaya Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa tababar loogu soo xiray dugsiga tababarada Ciidammada ee ABQAALE ee degmada Xarfo ee Gobalka Mudug.

Ciidanka ayaa loo bixiyay guutada 15-aad ee Gama-diid, waxaana munaasabadda tababarka loogu soo xirayay goobjoog ahaa Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Puntland oo uu hoggaamiyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere.