Farmaajo iyo Rooble oo gaaray Teendhada Afisyooni

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa gaaray Teendhada Afisyooni oo uu ka dhacayo Shir hordhac ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo looga hadlay Ajandaha Shirka dhameystirka heshiiska doorashada.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka, ayna garwadeen ka tahay ayaa waxaa amaankiisa sugaya Ciidanka AMISOM, iyadoo Ilaalada Madaxda Soomaalida lagu reebayo banaanka.

Idilnews