Madasha Badbaado Qaran “Farmaajo wuxuu furimaha dagaalka ku dayacay Ciidanka XDS”

Madasha Badbaado Qaran oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa ku eedaysay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee DFS in uu Ciidanka Xooga Dalka ku dayacay furimaha dagaalka, isagoo baylah uga dhigay Argagexisada Al-Shabaab, sirdoonkii dalkana ku hawlay dabagalka siyaasiyiinta iyo hawlaha doorashooyinka.