Shir looga hadlayay Mashaariicda Bangiga Adduunka ka taageero Puntland oo lagu qabtay Garoowe (VIDEO)

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Garoowe Shir looga hadlaayay dardargelinta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, gaar ahaana mashaariicda uu Bangiga Adduunka ka taageero Dowladda Puntland.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Eng. Cumar Fiqi oo kulanka shir guddoomiyay ayaa warbixino ka dhageystay qaybaha kala duwan ee Wasaaradda sida Xisaabaadka,Dakhliga,Miisaaniyadda, FMIS-ka iyo khuburada ka shaqeysa Wasaaradda.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray mashaariicda,caqabadaha jira iyo fursadaha iyo shaqooyinka qorsheysan.