Shir u dhexeeya Madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamka oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka ayaa maanta ka bilaabanaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ujeedadiisa tahay in laga heshiiyo Ajandaha Shirka guud, waana mid kamid ah shuruudihii horey ay u soo bandhigeen Puntland iyo Jubbaland.