Shir u furmay Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada

Shirka DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, iyadoo shirku yahay mid albaabada u xiran.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Shirka maanta ayaa la filayaa in looga heshiiyo ajandaha shirka soo socdo, is fahamka shirkan hordhaca ah laga gaaro ayay ku xiran tahay jawiga uu ku furmi doono shirka rasmiga ah.