Shirkii Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo is afgarad la,aan kusoo dhamaaday

Shirka horu-dhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada oo saaka ka furmay Teendhada Afisyooni, ayaa goor-dhaweyd soo gaba-gaboobay, iyadoo aan wax is afgarad ah la gaarin.

Shirka oo ku bilowday is-laab xaarasho ayaa diirada lagu saaray Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiska Doorashada, hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaana dood adag dhexmartay inta Shirku uu socday.

Madaxda ayaana ku balamay kulan kale oo berri la isugu yimaado si loo sii amba qaado doodaha Labada dhinac.

Idilnews