VIDEO: Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka hadlay Wiil yar oo jirdil loo geystay

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdo baraha Bulshada qabsatay 48 saac ee lasoo dhaafay, taas oo aheyd Wiil yar oo jirdil loogu geystay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wasiir Xaamud oo garabkiisa uu fadhiyo Wiilka yar ee la jirdilay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo qofkii jirdilay Wiilkan, ayna Cadaaladda horkeeni doonaan.