Madaxda Soomaalida oo maalintii labaad Shir adag ku yeelanaya Afisyooni

Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa maalintii labaad yeelanaya Shir horu-dhac ah, loogana hadlayo Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka.

Hogaamiyayaasha ayaa kulankoodii shalay uu kusoo dhamaaday is afgarad la,aan kaddib markii ay dood adag Madasha la tageen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddibna uu kulanka isaga baxay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida culeys ku saaraya inay 5 bisha kahor heshiis ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka Wada-tashiga Doorashooyinka, iyagoo wixii ka dambeeyay Isniinta lagu wargaliyay in aysan yeelan doonin wax go’aan ah, taas oo culeyska kusii kordhisay Farmaajo.