Madaxweyne Qoorqoor oo berri ka duulaya Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa berri ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, maadaama mudada 45 cisho ee Dastuurka Galmudug dhigaya in aanu Madaxweynaha ka maqnaan karin deegaanka ay ka dhamaatay.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa uu berri u tagayaa Dhuusamareeb si uu ugu soo dhufsado 45 cisho oo cusub, kaddibna uu gelinka dambe ee berri ama subaxa hore ee Talaadada dib ugu soo laabto Muqdisho.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah, si ay dhinacyada berri u soo nastaan iyo la tashiyo u soo sameeyaan.