Video:-Amiir Xamza-ha Urdun ‘oo xabsi guri la geliyey’

Amiir Xamza ayaa cajalad muuqaal ah oo uu duubay ku sheegay in la geliyay xabsi guri ku jiro, iyadoo loo sheegay inuu guriga joogo oo uusan cidna xiriir la sameyn karin.

Dhaxal sigihii hore ayaa muuqaal uu qareenkiisu u gudbiyay BBC ku sheegay inuusan qeyb ka aheyn shirqoollo shisheeye oo ka dhan ah Urdun, isagoo dowladda dalkaasi maamusha ku sheegay mid musuq-maasuq ah.

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in dowladda Urdun ay xirtay Hamza iyo 20 qof oo kale, kuwaas oo mas’uuliyiintu ay sheegeen inay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi.

Taliyaha ciidamada militariga Yusef Huneiti ayaa beeniyay wararka ku saabsan xabsi gelinta amiirka, balse waxa uu sheegay in lagu wargeliyay “in uu joojiyo howlaha loo adeegsanayo in lagu bartilmaameedsado amniga iyo xasilloonida Urdun.”

Laba qof oo xaaladda si dhow ula socday ayaa Reuters u sheegay in ciidamada amaanka ay tageen qasriga amiirka ayna bilaabeen baaritaan.

Boqor Cabdalla-ha Urdun ayaa sanadkii 2004-tii shaqada ka eryay Amiir Xamza oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada, tallaabadan oo uu boqorku ku xoojinayay awooddiisa.

Halkan ka daawo muuqaalka