DF Soomaaliya oo soo xirtay dacwadii loo heystay Cabdirashiid Janan (Akhriso)

Xafiiska xeer ilaalinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray gal-dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo la xariiray xasuuq uu ka geystay Gobalka Gedo.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa talaabadan ku tilmaamay mid laga xumaado oo muujinaysa in Hay’adaha sharciga Dalka loo adeegsanayo siyaasad iyo qabiil.

Idilnews