Puntland oo baaq ku aadan Lacagta Shilinka Soomaaliga u dirtay Shacabka (VIDEO)

Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha ee degaanadda dowladda Puntland ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo xaaladaha lacagta Shilin Soomaaliga iyo go’aamo hor leh oo ay soo saareen.

Guddiga ayaa go’aankooda uu daba socdaa 13 qodob oo ay horey usoo saareen , kuwaas oo looga hadlay sidii loo soo celin lahaa Isticmaalka Shilin Soomaaliga iyo xasilinta lacagta.

Kulamada go’aanada lagu gaaray waxa qayb ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland , Bangiga Dowladda iyo shirkadaha bixiya adeegyadda lacagaha danabeysan.

Mudane Faarax Cali Shire oo ka mida xubnaha Guddiga ayaa sharaxay ahmiyada kulanka, wuxuu sheegay in qodobada lasoo saaray loo baahan yahay in lagu dhaqmo. Wuxuu kaloo ugu baaqay ganacsatada iney u naxaan shacabka Bisha Ramadaan.

Senator Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ahna Guddoomiyaha Guddiga xalinta dhibaatada suuqa lacagaha ee Puntland ayaa sheegay in go’amadan loo arkay mid muhiim u ah bulshada isla markaasna lagu ilaalinayo isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga.