Puntland oo Maxkamad soo taagaysa xubno badan oo katirsan Al-Shabaab (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka hirgalisay dhismaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida & Dambiyada culus ee Gobolada Mudug & Cayn.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, oo gaaray Gaalkacyo ayaa kormeerey qaabka loo dhisayo Maxkamadda, oo wali diyaarintii ay ku socoto.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida & Dambiyada culus ee Gobolada Mudug & Cayn ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda lasoo saaro in ka badan 60-xubnood oo kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo ka dhacay Gobalka Mudug.