Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay Madaxda Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Shirarka hordhaca ah ee Teendhada Afisyooni ku yeesheen Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada, waxaana uu ku booriyay in la sii wado, sidoo kalena ay heshiis gaaraan.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska QM ee Soomaaliya.