Qoorqoor oo maanta ku laabtay Dhuusamareeb, hal sabab darteed (VIDEO)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo mudooyinkii danbe howlo shaqo u joogay Magaladda Miqsisho ee ayaa dib ugu soo labtay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ujeedada safarka deg-dega ah ee Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu sheegay inuu ka hortagayo in aysan ka dhamaan mudada uu Dastuurka Galmudug uu Madaxweybaha u ogal yahay inuu Deegaanka ka maqnaado, taas oo ah 45 cisho.

QoorQoor ayaa berri dib ugu soo laabanaya Muqdisho si uu uga qeybgalo Shirka horudhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada uga socda socda Afisyooni, kaas oo maanta hakad ku jira.