Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay xaalada COVID-19 (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay sara kaca cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland.

Wasiir Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Dadka uu haleelayo cudurka COVID-19 iyo dadka u dhimanaya ay kordheen ilaa bilawgii sanadkan 2021, gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka inay qaataan talaabooyinka muhiimka u ah ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tallaalka, isagoona intaas ku daray hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad aan amaro culus soo saari doono anaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee Covid19.